Waa maxay gumaadida xubnaha jinsiga ee haweenku?
Gumaadida xubnaha jinsiga ee haweenku waa caado gabowdey oo xubnaha duleedka jinsiga ee haweenka la goynayo. Caadadan waxaa ugu badan oo lagaga dgaqmaa Afrika, laakiin waxaa jira wadamo kale oo lagaga dhaqmo. Gumaadka xubnaha jinsiga waxaa kaloo loo yaqaan gudniinka haweenka. Waxaase wakhtigan la joogo inta badan laga hadlaa gumaadid, sababtoo ah waxaa loo arkaa in eraygani si fiican u tilmaamayo habka dhabta ah ee qaliinkan loo sameeyo. Qoraalkan labada erayba waa la isticimaalayaa iyadoo loola jeedo qaliinkan.Gumaadida xubnaha jinsiga waxaa loo samayn karaa dhawr nooc oo kala duwan iyadoo la raacayo caadooyin aad u kala duwan. Gudniinka ugu yarna waxaa la sameeyaa iyadoo xubnaha jinsiga laga keenayo dhawr dhibcood oo dhiig ah. Nooca ugu weyna qaybo waaweyn oo xubnaha jinsiga ka mid ah ayaa la gooyaa, ka dibna dhinacyada ayaa laysku tolaa.
Maxaa xubnaha jinsiga ee haweenka loo gumaadaa?
Sida laga soo xigtay Hayadda caafimaadka adduunka ee WHO gudniinka waxaa loo qeybiyaa afar nooc oo kala duwan:
- Goynta inta kore ee kintirka iyo/ama goynta kintirka qayb ama dhammaantiis.
- Goynta kintirka iyo waliba dibnaha siilka qeyb ama dhammaantiis (tan marmarka qaarkood waxaa lagu magacaabaa Xayuubin)
- Qodbid ama xaalufin iyo iyadoo waliba dibnaha la isku tolo, tasoo loo baneyo meel yar oo kaadida iyo caadada ka soo baxdo ( tani waxaa loogu yeeraa gudniin fircooni ah)
- Habab kala duwan oo aan qeexneyn: Kintirka iyo/ama dibnaha oo
qodax lagu qodbo, la sarsaro ama la jeexjeexo; kintirka iyo/ama
dibnaha oo laka jiido; kintirka iyo nawaaxigiisa oo la xaalufiyo;
daloolka siilka oo xoqo ( waxa loogu yeeraa gudidda angurya) ama
siilka oo la sarsaro ( waxa lagu magacaabaa gudidda gishiri);
siilka oo dhiig laga keeno iyadoo maaddo gudihiis lagu shubayo;
iyadoo siilka dhir la mariyo ama lagu shubo, iyo habab kalle oo
kamid ah noocyada gudniinka.
Dhibaatooyinka xaga caafimaadka
Dhibaatooyinka jir ahaaneed ee hoos ku qeexan mooyee, wuxuu kaloo gudniinku haweenka u keenaa dhibaatooyin maskaxeed oo joogta ah.
- Gudniinka laftiisa oo sida badan lagu sameeyo meelo aan nadiif ahayn wuxuu keeni karaa dhibaatooyin khatar ah sida dhiigbax badan, kaar badan iyo jeermis.
- Gabadha ama haweenayda la guday caadadu waxay u keeni kartaa kaar aad u badan. Gudniinka balaarani wuxuu sababi karaa in caadada iyo kaadiduba ay si caadiya debeda ugu soo bixi waayaan. Taasoo keeni karta kaadimareenka oo jeermis ku dhasho, shaqada kelyaha oo sdhinta, xubnaha dhalmada oo jeermis ku dhasho iyo xitaa madhaleysnimo.
- Galmada "isutaga" oo xaaska ku adkaanaysa.
- Wakhtiga dhalmada waxaa imaan kara dhibaatooyin, kuwaas oo khatar gelin kara caafimaadka iyo nolosha hooyada iyo ilmaha dhalanaya.
Dumarnimada lyo bikronimada
Jirka dumarku wuxuu ugu qurux badan yahay, markuu yahay sidii
loo abuuray. Gumaadida xubnaha jinsigu waxay haweenka u kaantaa
dhibaatooyin aan laga noqon karin.
Qofka dumarka ahi waa bikre ilaa ay u galmooto nin, inkastoo la
aaminsan yahay in gudniinka dumarku uu ilaalinayo bikranimada
haweenka, haddana gudniinka iyo bikranimadu isku mid ma aha. Siday
u jiraan haween gudan oo u galmooda niman aan nimankooda ahayn,
ayaa waxaa u jira haween aan gudnayn oo haddana aan weligood ku
fekerin inay u galmoodaan nin aan ahayn ninka qaba.
Bulsha walba waalidku waxay dareemaan in loo baahan yahay in
carruurtooda soo koreysa la daryeelo, wayna tahay in carruurta la
daryeelo, laakiin waxaa jira hab kale oo aan ahayn gudniinka
carruurta dhibaatada u keenaya oo bikranimada lagu ilaalin karo.
Gumaadida xubnaha jinsugu waa dembi Finlaand gudeheeda
Wadamada qalinka ku duugay heshiiska guud ee xuquuqda carruurta
ee Qaramada Midoobey oo ay Finlaand ka mid tahay waxay balan
qaadeen inay cirib tiraan gudniinka haweenka. Heshiiskani wuxuu
kaloo waajib ka dhigayaa in la ilaaliyo xuquuqda carruurta.
Xuquuqda carruurtu isku si ayey u saamaysaa carrurta finnishka ah
iyo carruurta wadamada kale ka soo guuray. Sharciga Finlaand ayaa
si aad u xoogan loogu sugay in la ilaaliyo inaan carruurta wax
dhibaato jir ahaaned loo geysan.
Sida uu sharcigu qabo gumaadida xubnaha jinsiga ee gabdhaha iyo
haweenku waa dembi ciqaab leh. Gudida iyo caawimaadeeduba waxaa
qofka lagu xukumi karaa sanado badan oo xabsi ah, iyadoo ku xiran
xumaanta falka, waana la mid haddii qof Finlaand degen debeda loo
diro si loo soo gudo. Sidoo kale qofka lagu ogaado inuu ku dhiiri
geliyey, isagana waxaa loo xukumayaa sida qofka guday oo kale,
xitaa haddii uuna samaynta gudniinka ka qayb qaadan.
Shaqaalaha arimaha bulshada iyo daryeelka caafimaadka iyo
macallimiinta waxaa waajib ku ah inay faraha la galaan arimaha
waxyeelayna caafimaadka iyo koriinka carruurta. Sida uu qabo
sharciga daryeelka carruurtu, ilmuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu helo
deegaan uu ka helayo nabadgelyo, nolol dheelitiran iyo horukac
balaaran. Haddii deegaanku uu khatar gelinayo koriinka ilmaha ama
aanu badbaaninaynin caafimaadkiisa iyo koriinkiisa maamulku waa
inuu wax ka qabtaa isagoo raacaya daryeelka carruurta. Iyadoo
gabadha la daryeelayo waxaa suuragal ah in waalidkeed laga qaado
haddii la guday ama laga cabsi qabo in la gudayo.
Xagee laga helayaa caawimo iyo warbixino?
Maadaama gumaadida xubnaha jinsiga ee gabdhaha iyo dumarku keeno
dhibaatooyin khatar ah oo jir ahaaneed iyo kuwo maskaxeed, waxaa
jirta in dadka ka yimi wadamada gudniinka dumarka laga isticimaalo
ay bilaabeen inay ku dhaqaaqaan sidii ay caadadan uga baabi?in
lahaayeen wadankooda iyo wadamada kaleba. Waxaa aad muhiim u ah in
qoysaska caadadan gudniinka haweenka laga isticimaalo la siiyo
warar sax.
Haddii aad isku aragto dhibaatooyin la xiriira gumaadida xubnaha
jinsiga amaba aad rabtid inaad hesho faahfaahin dheeraad ah waa
inaad la xiriirtaa dadka loo tababaray daryeelka caafimaadka.
Dhibaatooyinkaas waa lagaa caawinayaa, waana lagaa daaweynayaa.
Finlaandna waa la furaa toliinka gudniinka.
Haddii aad isku aragto dhibaatooyin la xiriira gumaadida xubnaha
jinsiga amaba aad rabtid inaad hesho faahfaahin dheeraad ah waa
inaad la xiriirtaa dadka loo tababaray daryeelka caafimaadka.
Dhibaatooyinkaas waa lagaa caawinayaa, waana lagaa daaweynayaa.
Finlaandna waa la furaa toliinka gudniinka.
Haddii aad rabto waxaad codsan kartaa dhakhtar iyo kalkaaliso
caafimaad oo haween ah, ehelkaagana waad soo kaxaysan kartaa.
Caawimada iyo talooyinka waxaa bixiya:
- Xarunta caafimaadka: Kalkaalisooyinka daryeelka caafimaadka carruurta iyo dhakhtarada.
- Kalkaalisooyinka caafimaadka ee dugsiyada